Bandow la saaray gobolka Kashmir oo ciidda awgeed la qaaday

Dowladda India ayaa meesha ka saartay bandow horay loogu soo rogay gobolka ay muslimiin badan ku noolyihiin ee Kashmiir.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay tahay mid looga gol leeyahay in shacabka halkaasi ku nool ay fursad u helaan inay jawi deggan ugu dabaaldegaan ciidda Carafo ee maanta.
Bandowga ayaa 6-dii maalmood ee ugu dambeyay shaqeynayay 24 saacadood waxaana lagu dhawaaqay kaddib markii dowladda India ay meesha ka saartay maqaam gaar ah oo uu gobolkaasi lahaa taasi oo ay caro ka dhalatay.
Hasa ahaate waxay wararku sheegayaan in ciidamo dheeraad ah oo gobolka Kashmiir la geeyay in weli waddooyinka kala duwan lagu arkayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here