Bandowga Honduras oo la kordhinaya

Dowladda Jamhuuriyadda Honduras ayaa sheegtay inay muddo hal toddobaad ah ku kordhin doonto Bandow la soo rogay oo la doonayo in lagu xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Amarkan ayaa sii jiri doono ilaa 9-ka bishan siddeedaad.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidan ku warramaysa.
Bandowgan ayaa markii ugu horeysay la soo saaray bishii saddexaad wuxuuna shaqeeyaa 5-ta galabnimo ilaa 7-da aroornimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here