Bangiga adduunka oo taageeraya qorshayaasha horumarineed ee dowladda

Ku xigeenka madaxa bangiga adduunka ee qaaradda Afrika ,Hafez Ghanem ayaa maamulka talada haya ee Jubilee u xaqiijiyay inuu garab ku siin doono dhaqangelinta mashaariicda horumarineed ee la xariira ajeendayaasha ugu waweyn ee uu Kenyaanka u ballanqaaday.
Maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku dadaalaya inuu ka dhabeeyo ballanqaadyadii ahaa wax ka qabashada cunno yarida, helidda adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, wax soo saarka iyo guriyeynta.
Mr .Ghanem ayaa sheegay in bangiga adduunka uu Kenya si gaar ah uga caawin doono adeegyada caafimaad si barnaamijyada kala duwan ee arrinkan ku saabsan si buuxda loogu guulaysto.
Waxaa uu intaasi ku daray in taageerada ay dowladda dhexe u fidinayaan inay isugu jirto mid farsamo iyo sido kale dhaqaale.
Ku xigeenka madaxa bangiga adduunka u qaabilsan Afrika ayaa Kenya taageero u muujiyay xilli uu Mr. Kenyatta ku booqday madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa ammaanay wada shaqeynta ka dhexeysa maamulkiisa iyo bangiga adduunka oo uu sheegay inay gacan ka gaysatay fulinta mashaariic wax ka beddelay noolosha Kenyaanka.
Labadan mas’uul ayaa sido kale ka wada hadlay xeerarka horumarka ee bangiga adduunka , kaabayaasha waddooyinka, dhaqaalaha ku saleysan teknoolojiyadda , wax soo saarka beeraha iyo isbeddelka cimilada.
Mr. Kenyatta iyo Mr .Ghanem ayaa ku heshiiyay in la dardargeliyo barnaamijyada iyo fulinta mashaariicda fududeyn karo in qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya ku nool ay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here