Bangiga aduunka oo qarash badan ku bixinaya la dagaalanka Ayaxa ka jira Soomaalia

Agaasimayaasha Bangiga Adduunka ayaa maanta oggolaaday deeq dhan $ 40 milyan oo loogu talagalay Soomaaliya taas oo qayb ka ah Barnaamijka Waxqabadka Degdegga ah.
Lacagtaan ayaa la doonaya in wax looga qabto halista Ayaxa ka jira Soomaaliya oo ku habsaday degmooyin badan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in Ayaxa uu saameyn xoogan leh ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Soomaaliya.
“Khatarta duulaanka ah ee ayaxdu waxay sii xumaynaysaa dhibaatada bina-aadamnimada ee ka jirta Soomaaliya isla markaana horseedaysa helitaanka cunno yari, dakhli lumis, iskahorimaad ku saleysan kheyraadka iyo xulashada socdaalka oo xadidan,” ayuu yiri Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Felipe Jaramillo.
“Waxaan taageereynaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay dejiso nidaam ilaalin bulsheed oo hoos yimaada barnaamijka Baxnaano kaasoo si dhaqso leh uga jawaabi kara si looga ilaaliyo beeraleyda iyo xoola dhaqatada, inay ku dhacaan heerar qoto dheer oo cunno yari, iyo sidoo kale ka hortagga iibka / luminta hantidooda wax soo saar” ayuu hadalkaasi kusii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here