DHAGEYSO:Bangiga aduunka oo Soomaaliya Lacag ugu deeqay

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay in Soomaaliya la siiyo lacag dhan $55 milyan oo doollar oo Caawimaad ah si ay dowladu ugu adeegsato waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha Bulshada maadaama hada aduunka uu ka jiro Saamayn dhaqaale oo ka dhalatay Cudurka Covid 19.
Lacagtaan ayaa loogu talagalay kabka Miisaaniyadda, xilliga adag ee COVID19 oo kiisas fadabadan oo kamid ah laga helay dalka Soomaaliya.
Deeqdaan ayaa la sheegey inay Soomaaliya ku mutaysanay Maamul wanaag Maaliyadeed iyo Hufnaan dhaqaale, sida uu sheegey Wasiirka Maaliyadda dowlada Fedraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Wasiir Beyle ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay tallaabadaan,wuxuuna sheegay inuu aad iyo Aad ugu faraxsan yahay habka wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen Hey’adaha dhaqaalaha Aduudka oo uu ugu horeeyo World Banki.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ka dhaxeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Xubnaha ka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa Saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaay waday dadaalo ay ku dooneysay in Soomaaliya deynta laga Cafiyo,waxaana qorshahaas ku amaanay Hay’adaha lacagta Adduunka maadaama ay dowlada Soomaaliya samaysay Talaabooyin dhowr ah oo Maaliyada lagu Wanaajinayo daahfurnaana laga dhex arkay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here