Bangiga dhexe ee dalka oo faahfaahin ka bixiyay lacagtii la beddelay

Madaxa bangiga dhexe ee dalka Dr. Patrick Njoroge ayaa shir jaraaid oo uu maanta qabtay ka sheegay in dowladda ay ku guulaysatay in shacabka ay beddeshaan 1000-kii shilin ee wadanka laga isticmaalayay ka hor 1-dii bishii lixaad ee sannadkan.
Waxaa uu shaaca ka qaaday in lacagta cusub ee dalka ee la soo bandhigay bishii June looga gol laha in lagu xakameeyo falalka lunsashada kheyraadka iyo isticmaalka lacagta faaliska ah.
Dr. Njoroge ayaa sheegay in 149,692,000 oo ah 1000-ka shilin ee cusub la adeegsanayay 30-kii bishii sagalaad ee sannadkan.
Madaxa bangiga dhexe ee CBK ayaa ku nuuxnuuxsaday in marnaba aan garab la siin doonin dambiilayaasha dhaco dhaqaalaha dalka sido kalena la doonayo hannaan adag oo falalkan lagula tacaali karo.
Waxaa uu sido kale xusay in 1000-ka shilin ee meesha laga saaray ay tahay billowga geedisocod cusub oo dhanka maaliyadda ah.
Dr. Njoroge ayaa sheegay inay sameynayaan baaritaano ku saabsan dadka weli isticmaalaya lacagta laga gudbay oo uu xusay in wixii ka dambeeyay dhammaadkii bishii hore aynan wax qiimo ah lahayn.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in 7,386,000 oo ah lacagta 1000-kii hore aan weli la soo celin .
Madaxa bangiga dhexe ee dalka ayaa caddeeyay inuunan jirin sicir barar ka dhashay barnaamijka dowladda, dadkana ay u fududdeyd inay lacagta ka beddeshaan bangiyada.
Dr. Njoroge ayaa intaasi ku daray inay ilaa 15 howlgalo kormeer ah ay sameyeen iyadoo waaxyaha kale ee KRA, EACC, FRC iyo DCI ay baaritaano wadaan.
Sido kale waxaa uu sheegay in beddelidda lacagta dalka aynan ahayn mid hal mar ah lagu dhaqaaqay balse la adeegsaday qorsho istaraatiiji ah oo la dejiyay iyadoo la tixraacayo nidaamka ay horay wadamo kale isticmaleen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu socdaal ku tagay ismaamulo ay ka mid yihiin Kisumu, Kwale, Garissa Wajeer iyo Narok halkaasi oo ay dadweynaha ku wacyigelinayeen inay lacagta beddeshaan.
Bangiga CBK ayaa sido kale sameeyay xayaysiimo dhanka raadiyaha oo kor u dhaafaya 15,000 iyo 27 wareysiyo toos ah oo lala yeeshay Dr. Patrick Njoroge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here