Bangiga dhexe oo ka hadlay lacagta ilaa iyo hadda la soo celiyay

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee dalka Dr. Patrick Njoroge ayaa shaaca ka qaaday in ilaa iyo hadda la soo celiyay in ka badan 100 milyan oo ah lacagta 1000-ka shilin ee hadda wadanka laga isticmaalo balse la doonayo in laga gudbo ugu dambeyn 1-da bisha tobnaad ee sannadkan.
Waxaa uu mas’uulkan hoosta ka xarriiqay inay weli wadaan wacyigelinta ay shacabka u sameynayaan ee ku aaddan inay ka faaiidaystaan mudadada kama dambeyska ah ee ay dowladdu qabatay.
Sido kale waxaa uu sheegay inay jiraan dad aan lacagihii hore beddeleynin sababtoo ah waxay haystaan sida uu hadalka u dhigay dhaqaale ay qaab sharci darro ah ku heleen.
1-dii bishii lixaad ee sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu soo bandhigay 50, 100, 200 , 500 iyo 1000 shilin oo lacag kenyaan ah oo qaab cusub loo nashqadeeyay.
Dr. Njoroge ayaa carrabka ku dhuftay in isbeddelka lagu sameeyay lacagta dalka ay qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro isticmaalka lacagaha faaliska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here