Bangiga dhexe oo ku adkeysanaya inaan la kordhin doonin mudada isticmaalka 1000-ka shilin ee dalka

Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK , Dr. Patrick Njoroge ayaa shacabka Kenyaanka ah u xaqiijiyay inaan la kordhin doonin mudada dadweynaha loo qabtay ee looga doonayo inay ku soo afjaraan isticmaalka 1000-kii shilin ee horay wadanka looga isticmaali jiray.
Dr. Njoroge ayaa sheegay in adeegsiga lacagtaasi ay ku egtahay dhammaadka bishan oo wixii ka dambeeya aynan wax qiimo ah qof u lahaan doonin.
Xilli uu xalay ku sugnaa garoonka cayaaraha ee ismaamulka Narok ayuu si cad u sheegay inaan xita daqiiqado lagu dari doonin mudada ay dowladdu shaacisay oo ah ilaa 30-ka bishan sagalaad.
Bangiga dhexe ee dalka ayaa ku guda jiro olole loogu magacdaray ‘Badilisha noti za elfu moja sasa oo ay micnaheedu tahay hadda beddelo kunka shilin oo qaado middii la soo bandhigay 1-dii bishii lixaad ee sannadkan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lacagtan oo meesha laga saaro ay horseedi doonto in xal loo heli la tacaalidda lacagaha been abuurka ah ee saameyn ku yeeshay dhaqaalaha wadanka.
Dr .Njoroge ayaa sheegay inuu tahay in ka badan 20 ka mid ah ismaamulada dalka isagoo shacabka ku wacyigelinaya inay qaataan lacagta cusub ee 50, 100, 200, 500 iyo 1000-ka shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here