Bangiga horumarinta Afrika oo ballanqaaday inuu taageerayo haweenka dalka

Bangiga horumarinta qaaradda Afrika ee (AfDB) ayaa sheegay inay ka go’antahay inuu taageero buuxda u fidiyo haweenka iyo gabdhaha yaryar ee dalka.
Ku xigeenka agaasimaha guud ee bangiga Nnenna Nwabufo ayaa arrinkan shaaca ka qaadday xilli ay la kulantay marwada koobaad ee dalka Margaret Kenyatta.
Waxay isku arkeen caasimadda wadanka Rwanda ee Kigali oo uu ka qabsoomay shirweyne caalami ah oo ku saabsan jinsjiyadda.
Mrs.Nwabufo aya asi gaar ah u sheegtay inay haweenka Kenyaanka ah ka soo dhisayaan tayada la xiriirta howlaha ganacsiga.
Marwada koobaad ee dalka ayaa dhankeeda soo dhaweysay go’aanka bangiga AfDB waxayna ballanqaaday inay si dhow ugala shaqeyn doonto arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here