Bangiyada oo muddo kordhin u sameynaya dadka deymaha lagu leeyahay

Bangiyada dalka ayaa waxay shacabka kenyaanka u ogolaanayaan waqti dheeraad ah oo ay isaga bixin karaan lacagta amaahda ee bangiyada dalka ka qaateen.
Arrintaan ayaa ka mid ah in shacabka iyo dalka laga fududeeyo culeyska dhaqaale ee laga cabsi qabo inuu horseedo caabuqa Coronavirus.
Madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK Dr. Patrick Njoroge ayaa kulan u maanta madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta kula yeeshay madaxtooyada State House ka sheegay in bangiyadu ay dib u eegi doonaan amaahda shaqsiyadeed si dadka amaahda qata aysan la dhibaatoon bixinta deynta.
Waxa uu intaas ku daray in bangiyada ay ku heshiiyeen in la kordhiyo waqtiga amaah bixinta shaqsiyadeed illaa hal sano.
Dhanka kale guddoomiyaha CBK ayaa sheegay in dhammaan lacagaha ka yimaadd=a bangiyada la eegi doono muddo hal toddobaad ka hor inta aan loo sii gudbin shacabka Kenyaanka si looga ilaaliyo gudbinta cudurka coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here