Bangiga dhexe oo faahfaahin ka bixiyay dab ka kacay xaruntaas

Maamulka Bangiga Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dabkii dhawaan ka kacay Xarunta Bangiga ee ku taalla Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Qoraal kasoo baxay maamulka Bangiga Dhexe ayaa waxaa lagu sheegay in dabka markii hore uu ka bilowday qol kamid ah xafiisyada dambe ee Bangiga Dhexe.
Waxaa uu maamulka intaas ku daray in dabka uu ka dhashay fiilo koronto oo ku xiran mid ka mid ah qolalka dambe ee Bangiga oo aan hadda la isticmaalin ,hayeeshee markii dambe la demiyay.
Ciidanka ilaalada Bangiga Dhexe ayaa markiiba ogaaday, isla-markaana si degdeg ah ugu wargeliayay Ciidanka Dabdemiska, Maamulka Bangiga, Hay’adaha amniga iyo Gobolka Banaadir.
Waxaa isla markiiba goobta soo gaaray Dabdemiska oo muddo daqiiqado kooban ah ku demiyay dabkaas.
Ma jiro wax khasaare naf ama hantiyeed oo soo gaaray Bangiga Dhexe, marka laga reebo fiilooyinka korontada ee qolkii dabku ka kacay oo u baahan in la beddelo.
Maamulka Bangiga Dhexe wuxuu u mahad celinaynaa saraakiisha waaxda dabdemiska iyo hay’adaha amniga oo gacan weyn ka geystay in laga hor tago in khasaare ka dhasho dabkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here