Bankiga aduunka oo Dib u soo celiyay xiriirkii Soomaaliya

Bankiga Adduunka ayaa shalay sheegay inay caadi ku soo celiyeen xiriirkii ay dawladda Soomaaliya la lahayd Bankiga Adduunka 30 sano oo Soomaaliya ay ka jireen dagaalo Sokeeye ka dib.
Bankigu wuxuu sheegay inay tani ka dhigan tahay inay fursado weyn u furto dawladda Soomaaliya, fursadahaas oo ay ka mid yihiin inay Soomaaliya hesho deeqaha uu bixiyo Bankiga Adduunka iyo inay wadashaqayn la yeelaato dhammaan laamaha Bankiga Adduunka si ay usoo jiidato in Soomaaliya la maalgashado, gacanna looga gaysto degganaansnhaha iyo horumarka waddanka dhinacyo kala duwan.
Dowlada Soomaaliya ayaa ka rajo qabta in laga khafiifiyo inta badan daymaha lagu leeyahay iyadoo loo eegayo daymaha laga khafiifiyo waddamada faqiirka ah ee daymaha culus lagu yeesho, barnaamijkaasi oo loo soo gaabiyo HIPIC.
Tallaabada Bankiga Adduunka ayaa timid 24 saac kadib markii hay’adda lacagta Adduunka IMF ay iyaduna sheegtay inay heshay yabooh ku filan inay hay’addu dhinaceeda daymaha ka khafiifiso Soomaaliya.
IMF wxaay sheegtay inay yaboohaas oo dhan US$334 million ka heshay in ka badan 100 xubnood oo xubno ka ah hay’adaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here