Barasaab ku xigeenka Kiambu oo maanta xilka guddoomiyaha loo dhaarinaya

Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 10-ka barqanimo ee maanta xilka guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka loo dhaariyo barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaas James Nyoro .
Arrintan ayaa shalay dib loo dhigay waxaana dhaarinta maanta dhacaysa shaaca ka qaaday xoghayaha ismaamulka Kiambu Martin Mbugua.
Xafladda dhaarinta Nyoro ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo xarunta ugu weyn ee laga maamulo Kiambu.
Dib u dhaca ku yimid dhaarintii shalay la doonayay in la sameeyo ayaa loo aaneeyay in garsoore John Onyiego oo howshaas loo xilsaaray uu su’aal geliyay qaabka xafladda loo soo agaasimay.
Sido kale waxay ku soo aadaysa saacado un kaddib markii maxkamadda sare ee dalka ay diidday inay tixgeliso dacwad uu gudbiyay barasaabkii Kiambu Ferdinand Waititu ee xilka laga xayuubiyay.
Waititu ayaan ku qancin xilka qaadis ay ku sameeyeen xubnaha aqalka sare ee dalka iyo in ku xigeenkiisii loo dhaariyo jagadii uu isaga hayay ee laga qaaday.
Sido kale Ferdinand Waititu ayaa maxkamadda ka codsaday inay ku xigeenkiisa ka hor istaagto inuu la wareego xafiiska barasaabka Kiambu.
Mr Waititu aya sharci darro ku tilmaamay go’aanka ay ku dhaqaaqeen xubnaha aqalka sare ee dalka oo xilka ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in dokumentiyadii laga gudbiyay si xilka looga wareejiyo aysan ahayn kuwo sax ah oo waafaqsan sharciga.
Hasa ahaate garsoore James Makau oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegay in dhaarinta James Nyoro ay arrin degdeg ah tahay sidaas awgeedna qareenada Waititu laga doonaya inay dokumeentiyada ay cuskanayaan soo gudbiyaan 12-ka duhurnimo ee maanta si kiiska loo dhageysto isniinta.
Bishii Diseembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay u codeyeen xilka qaadista barasaabka.
Waxay go’aankaas oo ay taageereen 63 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay ku saleeyeen in Waititu uunan u hoggaansamin shuruucda u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale inuu musuqmaasuq ku kacay awoodiisana uu ku takriifalay waxaana Arbacadii mowqifkaas ayiday xubnaha aqalka sare ee dalka.
Kaddib go’aankii ka soo baxay aqalka senate-ka, guddoomiyaha aqalka sare ,Kenneth Lusaka ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacay xilka qaadista Waititu ee dhacday.
Kal fadhigii Waititu ay xunbnaha aqalka sare ee dalka xilka laga qaadeen waxaa ka qeyb galay 38 senetarro ah.
28 ka mid ah oo u badan kuwa garabka mucaaradka ee dalka ayaa taageeray saddex eedeymo oo wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay u jeediyeen barasaabka.
Dacwadii ugu horreysay ayaa ahayd in guddoomiyaha uu dastuurka wadanka ku xadgudbay.
Waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah halka 11 ay diideen.
Kiiskii labaad ayaa ahaa inuu Waititu baal maray shuruuc qaran iyo midkii saddexaad oo la xiriiray ku takriifal awoodeed waxaa taageeray 28 halka 10 ay ka soo horjeesteen.
Waititu ayaa dhankiisa wakiillada golaha hoose ee Kiambu ku eedeyay inay bartilmaameedsi siyaasadeed ku hayaan.
Waxaa uu muddo saacado ah isku dayay inuu senetarrada ka dhaadhiciyo inay dhinac isaga dhigaan soo jeedinta xubnaha golaha hoose ee Kiambu balse waa uu ku guul dareystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here