DHAGEYSO:Barasaabka Garissa Ali Bunow oo warbaahinta la hadlay muxuuna ka yiri kiiskiisa?

Guddoomiyaha ismaamulka Gaarisa mudane Cali Bunow Qorane ayaa shalay galab warbaahinta la hadlay kaddib markii ay maxkmadda Milimani ee Nairobi ku sii daysay lacag damaanad ah oo gaaraysa 3.25 million oo shillinka dalka ah.
Barasaabka Garissa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dacwada lagu soo oogay isagoona sheegay inuu ku guulaysan doono cadaaladda oona la sii wadi doonin kiiskiisa.
Hadalkan ayuu u jeediyay dad tiro badan oo isugu soo baxay banaanka Maxkamadda Millimani ee magaaladatan Nairobi.
Mr Qorane ayaa sheegay in dacwadiisa ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu doonayo in lagu khafiifiyo hannaanka ay ismaamullada wadanka ku qaybsanayaan dakhliga.
Wuxuu sheegay guddoomiyaha Garissa in malaayiinta shillin ee ka timid mashruuca Bangiga Auunka loo isticmaalay sida haboon.
Waxaa uuna intaas ku daray in lacagta la sheegay inuu lunsaday lagu dayactiray suuqa qoraxay,goobaha marinnada biyaha daadadka , iyo dib u habeynta waddooyinka ugu muhiimsan ee deegaanka Garissa Township, isagoona sheegay inay intaasi dhan muuqdaan.
Dhinaca kale Gudoomiye Ali Bunow ayaa ka dhawaajiyay in sharciga uusan ku jirin in lagu qabsado sababta uusan u muujin mas’uuliyadda ka saaran shacabka reer Garissa.

Si kastaba ha ahaate Cali Bunow iyo afar eedeysanayaal oo kale ayaa lagu amray inay baasabooradooda ku wareejiyaan maxkamadda.
Afarta eedeysane ee kale ayaa lagu siidaayay min 1.2 milyan oo shilin islamarkaana iyagana laga hor istaagay inay tagaan xafiisyada dowladda ismaamulka Garissa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here