Barasaabka Garissa oo bari ka soo hormuuqan doona Maxkamada

Gudoomiyaha ismaamulka Garissa Ali Bunow Qorane oo maanta hortagay gudiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa EACC iyagoona su’aalo weydiyay ayaa dacwadiisa ku aadan musuqmaasuqa dib loo dhigay maanta isagoona bari mar kale lagu soo oogi doono dacwad ka dhan wax isdaba marin.
Qareenada u doodaya Mr Qorane ayaa lagu wargaliyay inay bari iska soo xaadiriyaan maxkamadda.
Warbaahinta qaranka ee dalka ayaa sheegtay in Gudoomiyaha Garissa uu caawa ku hoyan doono saldhiga booliska ee EACC .
Mr Qorane ayaa saaka abaaro 6-dii subaxnimo iska xaadiriyay xarunta dhexe EACC ee magaaladatan Nairobi.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa khamiistii la soo dhaafay ansaxiyay in dacwado lagu soo oogo asaga afar eedeysane kale.
Guddoomiyaha oo lagu eedeeyay inuu si khaldan u maareeyay deeq ka timid bangiga adduunka oo dhan 233.5 milyan oo shilinka dalka ah ayaa lagu soo oogo dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo ku tagrifalka hantida dadweynaha.
Barasaabka iyo afar masuul kale oo ka tirsan ismaamulka Garissa ayaa sidoo kale wajihi doona ku xad gudubka eedaymaha xafiiska iyo ku lug lahaanshaha mashruuc iyadoo aan la sii qorshayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here