Barasaabka Garissa oo cambaareeyay weerarkii Dadaab

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore lagu qaaday tuulada Sareedo ee deegaanka Dadaab.
Falkaasi ayuu ku tilmaamay mid si wuxushnimo ah loo fuliyay isagoo dhanka kale tacsi u diray qoysaskii ay dhibaatada dhacday sida gaarka ah u saameysay.
Waxaa uu sido kale sheegay inay qasab tahay in loo midoobo ka hor tagga sida uu qoraalkiisa u dhigay ololaha burburinta ee naceybka ku saleysan ee argagixisada.
Dhanka kale wasaaradda waxbarashada dalka xafiiskeeda Garissa ayaa ilaa iyo inta uu amar dambe ka soo baxayo xirtay dugsiga hoose dhexe ee Sareedo kaddib markii weerarkii lagu qaaday afar arday ah lagu dilay .
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa faahfaahinta qodobkan noo soo diray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here