Barasaabka Garissa oo ka soo horjeestay in la dhimo dhaqaalaha ismaamullada dhanka horumarka ku dambeeya

Guddoomiyaha ismaamaulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa dhaliilay qorshaha ay waddo dowladda dhexe ee ka yimid maamulka qaabilsan qoondeynta dakhliga ee CRA.
Mr. Bunow ayaa cambaareeyay dadaal kasta oo loogu jiro in dhaqaale laga dhimo ismaamullada horay dhanka horumarka loogu gacan bidixeeyay.
Waxaa uu guddiga aqalka sare ee ka kooban 12-ka xubnood ee arrinkan loo xilsaaray kula taliyay inay diiradda saaraan sidii dhammaan 47-da ismaamul ee uu wadanku ka kooban yahay ay si siman ugu qaybsan lahayeen dhaqaalaha dowladda.
Arrinkan ayuu ka hadlay xilli uu qalabka lagaga hortago fayraska Corona ka guddomay urur goboleedka IGAD si sare loogu qaado dagaalka lagula jiro xanuunka COVID-19.
Sida uu Guddoomiyaha boggisa twitterka ku soo qoray waxa uu IGAD kala wareegay Maaskaro, dharka saraakiisha caafimadka ay xirtaan marka ya la tacaalayaan bukaanada xanuunka COVID-19 iyo agab kale.
Barasaabka ayaa hoosta ka xarriiqay in agabkan caafimaad uu kaalin weyn ka qaadan doono xakameynta faafidda cudurka gaar ahaan xeryaha qaxootiga Dadaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here