Barasaabka Garissa iyo eedeysanayaal kale oo maanta su’aalo la weydiin doono

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo afar eedeysanayaal oo kale ayaa lagu wadaa inay iska xaadiriyaan xafiisyada guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxaa mas’uuliyiintan loo haystaa oo su’aalo laga weydiin doonaa wax isdabamarinta 233.6 milyan oo shilin
Lacagtan ayaa ka mid ahayd deeqda bangiga adduunka.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa khamiistii la soo dhaafay ansaxiyay in dacwado lagu soo oogo shanta eedeysane.
Shakhsiyaadka kale ayaa sida uu tilmaamaya qoraalka guddiga EACC kala ah Ibrahim Nuur Malow oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee waaxda maaliyadda, Maxamad Axmad Cabdullahi madaxii hore ee maaliyadda ,Cabdi Shaalle maareeyaha maamul degmeedka hoose iyo Axmad Cabdullahi Aadan oo ah madaxa xisaabaadka ee guddi dagmeedka.
Amarka Nuurdiin ayaa yimid kaddib baaritaano la sameeyay oo uu sheegay inay ka soo baxeen caddeymo wax ku ool ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here