Barasaabka Garissa oo la kulmay saraakiisha mashruuca LAPSSET

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa kulan la qaatay saraakiisha fulinaya mashruuca dekadda ee la doonayo inuu isku xiro qeybo ka mid ah dalka, suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya ee loo yaqaano (LAPSSET) .
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in la tixgeliyo cabashooyinka ay shacabka qabaan ee ku aaddan in magdhow dhinaca dhulka loo sameeyo.
Barasaabka ayaa codsaday in ismaamulka Garissa laga sameeyo keyd qeyb ka ah mashruucan.
Sido kale waxaa uu ka qeyb galay shir ku saabsan mashruuca (KDRDIP).
Barnaamijkan ayaa ah mid looga fal celinayo saameynta ka dhalata barakaca.
Waxaa ka faaiidaysanaya shacabka ku nool deegaanada Fafi, Lagdera iyo Daadab waxaana maalgelinaya bangiga adduunka.
Saddexdan deegaan oo ay saameyn ku yeelatay martigelinta qaxootiga ayaa la siinaya 4 bilyan oo ka mid ah 10 bilyan oo mashruucan loogu talagalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here