Barasaabka Garissa oo lagu siidaayay 3.25 milyan oo damiin lacageed ah

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa maanta barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane oo loo haysto falal musuqmaasuq ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 3.25 milyan oo shilinka dalka ah, kaddib markii xalay xabsiga ku hoyday.
Garsooraha fadhigiisu yahay Milimani Douglas Ogoti ayaa ogolaaday damiinta.
Sidoo kale wuxuu amar ku siiyay in guddoomiyaha uusan tagin xafiiskiisa, inta laga dhageysanayo iyo go’aan ka gaarista dacwadiisa
Cali Bunow iyo eedeysanayaasha kale ayaa lagu amray inay baasabooradooda ku wareejiyaan maxkamadda.
Afarta eedeysane kale ayaa lagu siidaayay min 1.2 milyan oo shilin islamarkaana ayagana laga hor istaagay inay tagaan xafiisyada dowladda ismaamulka Garissa.
Shalay subax ayey ahad markii Mr Qorane uu iska xaadiriyay xarunta dhexe EACC ee magaaladatan Nairobi.
Guddomiyaha oo maxkamadda Milimani la soo taagay isaga iyo afar eedeysanayaal oo kale ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay oo ah inuu fududeeyay lunsashada lacago uu ku deeqay bangiga adduunka.
Isaga iyo afar sarkaal oo kale ayaa loo haystaa wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay lacag dhan 233.5 milyan oo shilin.
Axmadnaasir Cabdullahi oo ah qareenka guddoomiyaha Garissa u doodaya ayaa xusay inaysan jirin wax isdabamarin lacageed sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista.
Sido kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dacwadaha uu wajahaya Cali Bunow iyo kuwii horay loogu soo oogay qaar ka mid ah barasaabyada ismaamullada aynan isku mid ahayn.
Axmadnaasir Cabdullahi ayaa maxkamadda u sheegay inaysan jirin caddeyn muujinaysa in qoyska Cali Bunow ay ka faa’iideen musuqmaasuqa loo haysto.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inaan qofka dambi looga dhigi Karin hoggaan xumo dhankaaga ka timid ayaa wax lagu dhacay.
Dacwadaha ay eedeysanayaashan wajahayaan ayay maxkamaddu mar kale soo qaadi doontaa 23-ka bisha Oktoobar ee sannadkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here