Barasaabka Garissa oo mashaariic horumarineed xariga ka jaray

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa socdaal uu ku tagay deegaanka Balambala waxaa uu xariga kaga jaray mashaariic horumarineed oo laga fulinayo magaalada Balambala Jarjara ,Cabdigaab, Kuno, Ohio iyo Kone
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu guddoomiyaha ku sheegay in tani ay qeyb ka tahay fulinta ballanqaadyo uu u sameeyay dadweynaha xilligii doorashada oo ay ka mid ahayd inuu wax ka qabanayo arrimaha biyaha.
Mr. Qorane ayaa xusay inuu xariga ka jaray mashaariic la dhameystiray oo la xariira biyaha kuwaasi oo ay dowladda ismaamulka Garissa ku maalgelisay miisaaniyad sannadeedka 2018/2019-ka.
Waaxda isgaarsiinta ee dowlad deegaanka Garissa ayaa laga soo xigtay in barasaabka oo ay wehelinayeen ku xigeenkiisa Cabdi Dhaqane, guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Garissa Meru Mwangi iyo mas’uuliyiin kale uu dadweynaha deegmooyinka kala duwan ku nool la hadlay iyagoo u bandhigay baahiyaha ay qabaan.
Waxaa uu barasaabka sido kale furay suuqa xoolaha ee Balambala xafiiska ugu weyn ee deegaankaasi iyo xarunta qaabilsan arrimaha deegaanka.
Socdaalka Cali Bunow Qorane ayaa ku soo beegmay kaddib markii dhawaan uu kulan la qaatay safiirka midowga Yurub ee Kenya Simone Mordue.
Labadan mas’uul ayaa ka wada hadlay sida wadamada xubnaha ka ah midowga EU-da ay dowlad deegaanka Garissa garab ugu siin karaan dhaqangelinta qorshaha dhaqaale iyo midka bulsho ee (GISEDP) si loo wanaajiyo nolosha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here