Barasaabka Garissa oo qorsheynaya shir ka dhan ah argagixisada

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa shaaca ka qaaday inuu maalmaha soo socdo isugu yeeri doono shir weyne wada tashi ah oo diiradda lagu saaraya arrimaha nabadgaliyada iyo la dagaalanka argagixisada.
Kulanka ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo dhaqangelintooda ay xal u noqon karto falalka amniga liddi ku ah ee dhawaan saameeyay qeybo ka mid ah dowlad deegaankaas.
Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa tuulooyinka Kamuudeey ee Fafi iyo Sareedo oo ka tirsan Dadaab lagu dilay 7 qof oo isugu jiro afar arday iyo saddex macallin.
Bayaan uu saxiixay xoghayaha dowlad deegaanka Garissa Cabdi Muxumad Cali ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka argagixisada la xiriira inay saameyn ku yeesheen waxbarashada, caafimaadka iyo isgaarsiinta.
Waxaa uu qorshuhu yahay in shirka dhawaan la qaban doono ay ka soo qeyb galaan ilaa 150 wufuud ah oo matalaya culimaauddiinka, hoggaamiyaasha siyaasadeed , guddiyada ammaanka , maamullada aan dowliga ahayn , dhalinyarada, haweenka iyo dadka naafada ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo dowladda ismaamulka Garissa ay taageero u fidisay qoysaska saddexdii macallin ee lagu dilay Kamuudeey
Waxay ugu deeqday lacag dhan 600,000 si loogu adeegsado qarashaadka soo qaadidda meydadka iyo aaska.
Dhanka kale wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay inay sugi doonto ammaanka guud ee macalimiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here