Barasaabka Garissa oo shaaciyay xilliga la qabanaya kulanka BBI ee gobolka

Barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shirka dadweynaha lagu wacyigelinayo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI ee gobolka waqooyi bari oo uu horay qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka bishan labaad inuu isbeddel ku yimid.
Baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga iyo twitarka ayuu Cali Bunow ku sheegay in kulanka uu dhici doono 23-ka bishan aan ku guda jirno.
Waxaa uu intaas ku daray in 9-ka bishan uunan jiri doonin shir ku saabsan BBI oo Garissa lagu qabanaya.
Sido kale kulan uu barasaabka soo qabanqaabiyay oo ay dhawaan ka qeyb galeen madaxda gobolka waqooyi bari ayaa waxaa looga hadlay arrimaha bulshada taabanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here