Barasaabka Garissa oo sheegay inay talooyin ku wareejiyeen Matiangi

Guddoomiyaha ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ay la wadaageen talooyin ka soo baxay kulankii maalmo ka hor la qabtay.
Kulankaasi ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda la soo doortay ee Garissa , saraakiisha ammaanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Mr. Qorane ayaa xusay in sido kale wasiirka loo bandhigay qodobbadii ka soo baxay shirarkii Wajeer iyo Mandera.
Ismaamullada gobolka waqooyi bari ayaa ku heshiiyay in la qaado tallaabooyin dhowr ah oo lagula tacaalaya falalka argagixisada ee soo noqnoqday ee ay saameynta dhanka tacliinta, caafimaadka iyo gaadiidka ka dhasheen.
Cali Bunow Qorane ayaa xusay inay doonayaan in la isku duba rido soo jeedinnada ka soo baxay shirarka saddexda ismaamul ee gobolka ee Garissa, Mandera iyo Wajeer si loogu wareejiyo wasaaradda arrimaha gudaha kaddibna loogu tallaaba qaado.
Bayaan la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga waaxda dowlad deegaanka Garissa u qaabilsan dhanka isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in barasaabka uu ballanqaaday in guddoomiye xaafadeedyada taageero iyo awood siin ku filan ay heli doonaan.
Sido kale deegaanada gobolka waxaa la geynayaa ciidamo dheeri ah si ay uga hor tagaan falalka Al-shabaab.
Guddoomiyaha Garissa ayaa dhanka kale sheegay inay ka go’antahay in saddexda ismaamul ay iska kaashadaan in la iska celiyo cadowga uu sheegay inuu halis ku yahay horumarka sido kalena ay rajeynayaan inay ka adkaan doonaan.
Cali Bunow ayaa intaas ku daray in guddoomiye xaafadeedyada ama jiifafka Waqooyi bari oo markii ugu horreysay tan iyo sannadkii 1985-tii la isugu yeeray Garissa ay muujinayso in khatarta jirta aan la fududeysan karin.
Barasaabka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa sheegay in dhawaan la qaban doono kulan ay ka qeyb galayaan wufuud matalaysa saddexda gobol ee dalka si qodobbo laga mideysan yahay looga soo saaro.
Cali Roba ayaa jiifafka iyo saraakiisha ammaanka ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan shacabka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay inay cusbooneysiiyeen ama ay mar kale muujinayaan sida ay kaga go’antahay la dagaalanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here