DHAGEYSO:Barasaabka Isiolo oo doonayo in meesha laga saaro sabarloogooyin la bixiyay

Guddoomiyaha ismaamulka Isiolo Dr. Maxamad Kuti ayaa wasaaradda arrimaha dhulalka ee dalka ka dalbaday inay waxba kama jiraan ka soo qaaddo sabarloogooyin horay loo bixiyay.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay jiraan shakhsiyaad la siiyay warqado muujinaya inay leeyihiin dhul lagu muransanyahay.
Dhulkaasi waxaa waxaa isku haysta shacabka iyo ciidamada Milatariga ee ismaamulkaasi ka howlgalo.
Dr. Kuti ayaa intaasi ku daray in dhulkaasi isaga ah loogu talagalay inay dadweynaha xolohooda ku daajiyaan balse uu mar dambe muran galay.
Wasiiradda dhulalka ee dalka Mrs. Farida Karoney ayuu ugu baaqay inay qaaddo tallaabo degdeg ah oo arrinkan ku aaddan.
Barasaabka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka hoose ee Oldonyiro waxaa uu sheegay in xafiiskiisa aan wax wadatashi ah lala sameyn markii sabarloogooyinka la qeybinayay.

Barasaabka ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka hoose ee Oldonyiro waxaa uu sheegay in xafiiskiisa aan wax wadatashi ah lala sameyn markii sabarloogooyinka la qeybinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here