Barasaabka ismaamulka Migori iyo carruurtiisa oo la xiray

Saraakiisha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa xabsiga u taxaabay guddoomiyaha dowlad deegaanka Migori Okoth Obado iyo afar carruur oo uu dhalay.
Mr Obado iyo carruurtiisa ayaa lagu soo warramayaa in lagu qabtay ismaamulka Kisii waxaana loo soo qaaday caasimadda dalka ee Nairobi abaare 11-kii barqanimo ee maanta.
Garyaqaan u doodaya mid ka mid ah shakhsiyaadka la xiray ayaa sheegay in aysan diiwaangelin wax qoraal ah islamarkaana aan loo soo bandhigin wax dacwad ah xilligii eedeysanayaasha lagu qabtay ismaamulka Kisii.
Shalay ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu amray in xabsiga loo taxaabo guddoomiyaha ismaamulka Migori Okoth Obado, saraakiisha la shaqeeya qaarkood iyo afar ka mid ah carruurtiisa .
Mr Nuurdii Xaaji ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in tani timid kaddib baaritaano uu sameeyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Waxaa loo haystaa fadeexad musuqmaasuqa oo la rumeysan yahay in lagu lunsaday 73.4 milyan oo shilin oo ah lacag dadweyne.
Baaritaanada guddiga EACC waxaa lagu ogaaday in 38.9 milyan oo shilin lagu shubay akoono bangiyeed oo ay leeyihiin carruurta barasaabka Achola Dan Okoth, Susan Scarlet Okoth iyo Jerry Zachary Okoth.
Nuurdiin Xaaji ayaa xusay in lacagtan lagu bixiyay qarashaadka waxbarashada ee carruurta oo wax ka baranayay dalalka Australia, Scotland iyo Ingiriiska ,howlaha caafimaad iyo adeegyo kale.
Sido kale baaritaanada ayaa lagu ogaaday in qayb ka mid ah dhaqaalahan lagu iibiyay labo baabuur oo ah nooca Toyota Land Cruiser V8.
Waxaa sido kale dacwad lagu soo oogayaa qaar ka mid ah saraakiisha ismaamulka Migori iyo ganacsato qaab aan habbooneyn loo siiyay qandaraasyo.
Shirkadaha iyo ganacsiyada fadeexaddan lala xiriiriyay waxaa ka mid ah Misoft Company Limited, Tarchdog Printers, Deltrack ICT services, Seletrack Consultants, Mactebac Contractors, Joyush Business, Swyfcon Engineering, Atinus Services, Kajulu business, Victorious investment, Dolphus Softwares, Dankey Press iyo Pesulus Services.
Shirkadahan ayay waaxda DPP sheegtay inay maamulaan shakhsiyaad ay aad isugu dhowyihin Okoth Obado sida saddex ka mid ah eheladiisa
Wararka ayaa intaa ku daraya in qandaraasleyda ay ugu dambeyn lacago ku wareejiyeen akoonada bangiyeed ee guddoomiyaha Migori iyo xubnaha qoyskiisa.
Lacagahan ayaa la bixiyay intii u dhexeysay miisaaniyad sannadeedkii 2013/2014 iyo 2016/2017.
34.5 milyan oo shilin oo lacagtan ka mid ah waxaa lagu iibiyay guri ku yaalla xaafadda Loresho ee Nairobi waxaana dhismahaas lagu diiwaangeliyay magaca gabadha barasaabka Migori Evelyne Adhiambo .
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay jiraan caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo dacwadaha ka dhanka ah eedeysanayaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here