Barasaabka ismamaulka Kiambu oo magacaabay ku xigeenkiisa

Gudoomiyaha dowlad deegaanka Kiambu James Nyoro ayaa u magacaabay Joyce Wanjiku Ngugi inay u noqoto ku xikeenkiisa.
Hawenaydan ku xigeenka loo magacaabay ayaa horay u soo ahayd xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka koonfurta Gatundu.
Mrs Ngugi ayaa ah la taliye cilmu nafsiga waxaa ayna haysata shahaadada waxbarashada Masters-ka iyadpoona ka soo baxday jaamacada Kenyaatta horayna waxaa ay shahaadada koowaad ee cilmiga Sayniska ka qaadatay jaamacadda Egerton.
James Njoro oo dhawaan loo magacaabay barasaabka ismaamulka Kiambu ayaa sido kale isku dhandheyn ku sameeyay golohiisa wasiirada.
Mr Njoro oo xilkiisa loo dhaariyay usbuucyo ka hor ayaa xilka waxaa uu kala wareegay Fardinand Waititu oo xilka looga qaaday arrimo musuqmaasuq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here