Barasaabka ismamaulka Mombasa oo ka hadlay xaaladiisa caafimaad

Guddoomiyaha ismamaulka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa shaaca ka qaaday inuu shantii maalmood ee ugu dambeysay ku qaatay isbitaal ku yaal magaalada Mombasa.
Waxaa uu sheegay inay xaaladiisu wanaagsan tahay uuna illahey uga mahadcelinayo.
Agaasimaha Isgaarsiinta Richard Chacha ayaa laga soo xigtay in xanuunka hayay barasaabka uu ahaa cudurka duumada ama Malaria.
Cali Xasan Joho gudmooyaha dowlad deegaanka Mombasa ahna guxigeenka gudoomiyaha xisbiga ODM ayaa hambalyo u diray Imran Okoth oo ku guulaystay doorashadii lagu qabtay deegaan baarlamaaneedka Kibra.
Mr Joho ayaa oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in caafimaad uu dareemay markuu ogaaday Inuu Imran Okoth oo ka tirsan xisbiga ODM uu guulaystay.
Waxaa uu sheegay inuu dhawaan booqan doono Kibra si uu ula kulmo Okoth oo maalin ka hor ay shacabka Kibra doorteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here