Barasaabka Kakamega oo mar kale loo doortay guddoomiyaha COG

Barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya ayaa markii labaad maanta loo doortay guddoomiyaha golaha ay ku mideysanyihiin hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ee COG.
Xilkan uu mar kale ku guulaystay ayuu qabtay bishii koobaad ee sannadkii hore.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa u hambalyeeyay Oparanya.
Waxaa uu ballanqaaday in dowladda dhexe ay sii wadayso taageerada ay siiso ismaamullada.
Wamalwa ayaa xusay in hoggaanka golaha COG uu kaalin weyn ka qaato wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya laba heer ee dowladda.
Tan iyo sannadkii 2013-kii , golaha barasaabyada ismaamullada dalka waxaa uu yeeshay 8 guddoomiyaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here