Barasaabka Kericho oo ku baaqay in la kordhiyo ilaalada madaxweyne ku xigeenka dalka

Guddoomiyaha ismaamulka Kericho Paul Chepkwony ayaa dowladda ugu baaqay inay kordhiso tirada saraakiisha ilaalada u ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Hadalka siyaasigan ayaa ku soo aadaya kaddib dilkii loo geeystay sarkaalkii ka howlgali jiray xafiiska Dr. Ruto ee lagu magacaabi jiray Sergeant Kipyegon Kenei.
Barasaabka oo hadalkan ka jeediyay ismaamulka Bomet ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta aynan ahayn mid badqab ahaan u wanaagsan hoggaamiyaha labaad ee wadanka.
Mr. Chepkwony ayaa arrinta uu shaaca ka qaaday sabab uga dhigay go’aanka adag ee madaxweyne ku xigeenka dalka kaasoo ku aaddan qaabka loo qabanayo kullamada warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Hadalka guddoomiyaha Kericho ayaa imaanaya saacado un kaddib markii madaxweyne ku xigeenka dalka ,William Ruto uu sheegay in uu ka war qabo qorsho lagu doonayo in looga hor istaago hiigsigiisa madaxweynanimo sannadka 2022-ka.
Dhawaan ayuu Mr Ruto ku eedeeyay agaasimaha dambi baarista dalka ee DCI George Kinoti in siyaasad ahaan loogu adeegsanayo si uu hoos ugu dhigo sumcada xafiiskisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here