Barasaabka Kiambu iyo xaaskiisa oo maxkmadda la geeyay

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kiambu Ferdinand Waititu iyo xaaskiisa Susan Wangari ayaa maanta beeniyay dacwado musuqmaasuq ah oo lagu oo oogay kadib markii ay ka soo hormuuqdeen maxkmadda.
Mas’uulkan iyo xaaskiisa ayaa ka hor yimid garsooraha maxkmadda Lawrence Mugambi waxaana loo heystaa inay ku guuldaraysteen bixinta qandaars lagu dhisayay wadooyiin
Waxyaabaha loo heysto barasaambka Kiambu waxaa ka mid ah lunsasho lacag,iyo inuu xafiiskiisa u adeegsaday dano gaar ah.
Agaasimaha dacwad soo oogida dalka Noordiin Xaaji ayaa sheegay inuu haayo cadeeymo ku filan oo gudoomiyaha ismamul goboleedka Kiambu loogu soo oogi karo dacwado.
Mr. Waititu ayaa loo heysta kiis ku aadan fadeexad ku saabsan qandaraas la bixiyay oo ku kacaya dhaqaale kor u dhaafaya 588 milyan oo shilin.
Gudoomiyaha Kiambu iyo xaaskiisa oo shalay isa soo dhiibay ayaa waxaa ay xalay ku baryeen xabsiga gudiga la-dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka.
Garsooraha maxkmadda Milimani ayaa goor dambe ee maanta ah la filayaa inoo soo saaro go’aan ah in lacago damaanad ah lagu sii deyn karo barasaabka iyo xaaskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here