Barasaabka Kiambu iyo xaaskiisa oo xalay mar kale xabsiga ku baryay

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kiambu Ferdinand Waititu iyo xaaskiisa Susan Wangari oo shalay la soo taagay maxkamada ayaa xalay mar kale xabsiga seexday.
Mr Waititu iyo xaaskiisa Susan iyo sido kale eedeysanayaal kale ayaa loo diiday inay maxkmada ku sii dayso lacag damaanad ah .
Mas’uulkan iyo xaaskiisa ayaa ka hor yimid garsooraha maxkmadda Lawrence Mugambi waxaana loo heystaa inay ku guuldaraysteen bixinta qandaars lagu dhisayay wadooyiin
Waxyaabaha loo heysto barasaambka Kiambu waxaa ka mid ah lunsasho lacag,iyo inuu xafiiskiisa u adeegsaday dano gaar ah.
Agaasimaha dacwad soo oogida dalka Noordiin Xaaji ayaa sheegay inuu haayo cadeeymo ku filan oo gudoomiyaha ismamul goboleedka Kiambu loogu soo oogi karo dacwado.
Mr. Waititu ayaa loo heysta kiis ku aadan fadeexad ku saabsan qandaraas la bixiyay oo ku kacaya dhaqaale kor u dhaafaya 588 milyan oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here