Barasaabka Kiambu oo la amray in la soo xiro

Guddoomiyaha dowlad deegaanka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa lagu wadaa in dhamaadka isbuucan xabsiga loo taxaabo kadib markii lagu soo oogay dacwad ka dhan ah bixinta lacag gaaraysa Sh580 milyan.
Agaasimaha dacwad soo oogida ee dalka Noordiin Xaaji ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro Ferdinand Waititu iyo xaaskiisa Susan Wangari Ndung’u.
Waxaana lagu eedeeyay in ay si aanan u habooneyn u saxixiyeen lacago loogu talagalay in lagu hormariyo ismamaulka Kiambu.
Sido kale saraakiil ka tirsan xukumadda Kiambu oo uu ka mid yahay madaxa wadooyiinka iyo sarkaalka u qaabilsan qiimeeynta Kiambu iyo saraakiil kale ayaa lagu wadaa in iyagana la xiro.
Gudiga ladagaalanka musuqmaasuqa ee dalka ayaa saraakiishaasi iyo gudoomiyaha Kiambu iyo xaaskiisa ka baarayaa eedeymo ka dhan ah qandaraas lagu bixyay wadooyiin .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here