Barasaabka Kiambu oo mar kale lagu sii daayay damiin lacageed

Guddoomiyaha ismaamulka Kiambu Ferdinand Waititu ayaa la siidaayay kadib markii uu bixiyay lacag dhan 15 milyan oo damaanad ah isagoona afar maalmood ku xirnaa xabsiga.
Gudoomiye Waititu ayaa horaan ugu guuldaraystay inuu bixiyo lacagta damaanada ahayd waxaana lagu sii hayay xabsiga.
Xaaskiisa Susan Wangari waxay ku guuleysatay inay xuriyadeeda dib u hesho Arbacadii ka dib markay bixisay damiin lacageed oo dhan 4 milyan oo shillinka dalka ah.
Barasaabka Kiambu,xaaskiisa iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowlad deegaankaasi ayaa lagu soo oogay dacwad ka dhan ah musuqmaasuqa.
Waxaana lagu eedeeyay bixinta qandaraas sharci daro ah .
Sdio kale mas’uuliyiintaasi ayaa ku lug yeeshay lacag loo bixiyay si aanan habooneyn taasi oo dhan 588 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here