Barasaabka Kiambu oo xilka qaadis lagu sameeyay

Xubnaha aqalka sare ee dalka ee Senate-ka ayaa kal fadhi ay yeesheen oo xalay fiidkii soo dhamaaday waxay xilka uga xayuubiyeen guddoomiyaha ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka Ferdinand Waititu.
Mr. Waititu oo toddobaadyadii la soo dhaafay wajahayay eedeymo kaga yimid golaha hoose ee dowlad deegaanka uu hoggaamiyo ayay wakiillada horay xilka uga qaadeen.
Waxay go’aankaas oo ay taageereen 63 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay ku saleeyeen in Waititu uunan u hoggaansamin shuruucda u degsan soo iibsashada qalabka.
Sido kale inuu musuqmaasuq ku kacay awoodiisana uu ku takriifalay.
Waxaa kal fadhigga xalay ka qeyb galay 38 senetarro ah.
28 ka mid ah oo u badan kuwa garabka mucaaradka ee dalka ayaa taageeray saddex eedeymo oo wakiillada golaha hoose ee Kiambu ay u jeediyeen barasaabka.
Dacwadii ugu horreysay ayaa ahayd in guddoomiyaha uu dastuurka wadanka ku xadgudbay.
Waxaa codkooda ku taageeray 27 senatarro ah halka 11 ay diideen.
Kiiskii labaad ayaa ahaa inuu Waititu baal maray shuruuc qaran iyo midkii saddexaad oo la xiriiray ku takriifal awoodeed waxaa taageeray 28 halka 10 ay ka soo horjeesteen.
Waititu ayaa muddo saacado ah isku dayay inuu senetarrada ka dhaadhiciyo inay dhinac isaga dhigaan soo jeedinta xubnaha golaha hoose ee Kiambu balse waa uu ku guul dareystay.
Barasaabka Kiambu ee xalay xilka laga qaaday ayaan la ogeyn inuu maxkamadda ugu sarreysa wadanka u gudbin doono dacwad arrinkan ka dhan ah iyo in kale.
Waxaa dhanka kale soo baxaya warar sheegaya in garsoore lagu magacaabo John Onyiego loo diyaariyay inuu saaka xilka guddoomiyaha Kiambu u dhaariyo barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaas James Nyoro .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here