Barasaabka Kisumu oo sheegay in ismaamulkaas aynan ka jirin caqabad dhanka caafimaadka ah

Guddoomiyaha ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa gaashaanka u daruuray warbixino lagu sheegay inay jirto dhibaato dhanka adeegyada caafimaadka ah.
Waxaa uu dowladda uu hoggaamiyo ka difaacay eedeymo loo soo jeediyay oo ku aaddan maamul xumo.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo howlwadeenada caafimaadka ay ku biireen olole sii xoogaysanaya kaasoo dowladda dhexe loogu baaqaya inay arrimaha caafimaadka kala wareegto ismaamullada.
Prof .Nyong’o ayaa xusay inuu waxyaabo badan ka qabtay dhanka caafimaadka tan iyo intii uu xilka la wareegay.
Baaqa ku saabsan in ismaamulka Kisumu uu maareynta howlaha caafimaadka ku wareejiyo dowladda dhexe ayuu ku tilmaamay mid aan loo qiil dayi karin.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka, Maurice Opetu ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqa joojin ay dhowr mar ku kaceen shaqaalaha caafimaadka ee Kisumu ay caddeyn ku tahay inaynan ku qanacsaneyn habka maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here