Barasaabka Kitui oo soo jeedisay in ismaamulkaas meesha laga saaro

Muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya guddoomiyaha ismaamulka Kitui Charity Ngilu iyo xubnaha golaha hoose ee dowlad deegaankaas ayaa sii xoogaystay.
Tani ayaa timid kaddib markii la guda galay olole saxiixyo looga uruurinaya shacabka ku nool dowlad deegaannada hoose ee Kitui si madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta loogu gudbiyo codsi lagu dalbanaya in meesha laga saaro maamulkaas.
Golaha hoose oo ay u badan yihiin wakiillada xisbiga Wiper ayaa tan iyo sannadkii 2017-kii waxaa uu khilaaf kala dhexeyay Ngilu.
Waxaa ugu dambeeyay inay siyaasiyiinta diideen inay ansaxiyaan xubno ay barasaabka u soo magacadowday guddiga adeegga dadweynaha.
Sii hayaha xilka guddoomiyaha xisbiga Narc ,Militonic Kitute ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la jebiyo ismaamulka Kitui hadii aan xal waara loo hayn khilaafka in muddo ah soo jiitamayay ee ka dhexeya madaxda la soo doortay.
Mas’uulkan ayaa xusay inay adkaan karto in shacabka loo adeego hadii aynan wada shaqeyn ka dhexeyn barasaabka iyo wakiillada matalaya dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here