Barasaabka Machakos oo doonaya in militariga ay baararka xiraan

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa soo jeediyay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ciidamada difaaca u adeegsado inay albaabada isugu dhuftaan goobaha lagu caweeyo.
Waxaa uu xusay in maamullada goobahan aysan u hoggaansamin amarka bandowga habeenkii iyo saacadaha lagu amray inay xarumahan xiraan.
Xilli uu saaka u warramay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Dr. Alfred Mutua sheegay in ciidamada booliska ay u muuqdaan inaysan ku guulaysan dhaqangelinta amarka bandowga habeenkii sidaas awgeedna uu ku talinayo in militariga loo xilsaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here