DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo ka hadlay takoor uu sheegay inuu ka jiro Shiinaha

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa walaac ka muujiyay takoor uu sheegay inuu cunsurinimo ku saleysan yahay oo ka jiro dalka Shiinaha.
Dr. Mutua ayaa wax laga xumaado oo nasiib darro ah ku tilmaamay in takoor lagu kacay dadka Afrikaan ah oo ay Kenyaan ka mid yihiin.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay Khasab tahay in Dowladda ay arrinkan sida ku habboon uga falceliso.
Barasaabka ayaa intaa ku daray in cudurka Covid-19 uu ka soo billowday Shiinaha saameyna uu ku yeeshay caalamka sidaas awgeed la doonayo in dhammaan dadka uu soo ritay si siman oo ay bani’aadanimo ku dheehan tahay loola dhaqmo .
Dowladda dhexe ayuu u soo jeediyay inay go’aan degdeg ah qaadato oo ay gudaha wadanka Shiinaha ka soo daadgureyso muwaadiniin sida uu hadalka u dhigay halkaas ku dhibaateysan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here