Barasaabka Machakos oo lagu sheegay guddoomiyaha ugu waxqabadka fiican

Shirkad laga leeyahay ingiriiska oo bixisa talasiin ku aaddan maamul wanaagga oo lagu magacaabo All Africa Advisors ayaa warbixin cusub ka soo saartay dowlad wadaajinta.
Waxay warbixinteedu ku sheegtay in barasaabka ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua uu yahay mas’uulka dhanka dowlad deegaanada ee ugu waxqabadka fiican.
Waxaa soo raaca oo liiskaasi nambarka labaad iyo saddexaad kala galay guddoomiyaha Kakamega Wycliffe Oparanya iyo dhigiisa Nairobi Mike Sonko .
Darasaadka warbixintan laga soo saaray ayaa la sameeyay intii u dhexeysay bilihii lixaad iyo sideedaad ee sannadkan.
Nambarka afaraad ee barasaabyada ugu horreeya ee dhanka waxqabadka lagu ammaanay waxaa galay Prof Kivutha Kibwana oo Makueni hoggaamiyo halka Cali Xassan Joho oo ah barasaabka Mombasa lagu sheegay nambarka shanaad.
Shirkaddan ayaa sido kale dabagal ku sameyso fulinta mashariicda horumarineed iyo kuwa ganacsiga waxayna warbixinteeda ku sheegtay in Mr.Ferdinand Waititu, guddoomiyaha Kiambi uu liiskaasi ugu hooseeyo.
Dadweynaha ku nool ismaamulada kala duwan ayaa arrimo dhowr ah laga wareystay waxayna aragtidooda inta badan ku saleynayeen horumarka dhanka kaabayaasha dhaqaale ee u muuqdo iyo sida ay ugu qanacsanyihiin habsami u socodka howlaha dowlad deegaankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here