DHAGEYSO:Barasaabka Machakos oo soo dhaweeyay bandowga la kordhiyay

Guddoomiyaha ismaamulka Machakos Dr. Alfred Mutua ayaa soo dhaweeyay amarka uu maalintii sabtida madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta muddo bil ah ku kordhiyay bandowga habeenkii wadanka ka jiro.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan iyo midda lagu mamnuucay in la soo galo ama laga baxo ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Mandera ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Covid-19 ay yihiin kuwo wax ku ool ah.
Dr. Mutua ayaa carrabka ku adkeeyay in si Kenya ay uga guulaysato cudurka la doonayo in la qaado tallaabooyin adag oo ka hor tag ah.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ku taageeray amarrada uu soo saaray ee lagula dagaalamaya cudurka.
Waxaa uu barasaabka Machakos sheegay in kiisaska fayraska corona ee sii kordhaya ay tahay arrin walaac laga muujiyo balse dhanka kale xayiraadaha dhanka isku socodka ay lagama maarmaan yihiin.
Dr. Alfred Mutua ayaa dhanka kale xusay in ismaamulka Machakos uu diyaariyay ilaa 350 oo ah sariirada gaarka ee loogu talagalay dadka laga daaweynaya cudurka Covid-19.
Sido kale waxaa uu xusay in deegaan kasta oo Machakos ka tirsan uu leeyahay baabuurta gurmadka ee loo yaqaano Ambulance.
Guddoomiyaha Machakos ayaa si adag uga hadlay gaadiidka xamuulka wuxuuna sheegay in wadayaasha baabuurtan loo ogolyahay inay Machakos dhexdeeda ku yar hakadaan oo keliya marka ay shidaal qaadanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here