Barasaabka Makueni oo baaq u diray aqalka sare

Barasaabka ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana ayaa ugu baaqay senetarada dalka in si daggan oo dimuqraadiyad ku jirto uga doodaan nidaamka muranka dhaliyay ee ismaamulada ay ku qeyb sanayaan dakhliga.
Nidaamkan oo ah midkii saddexaad ee uu soo saaray guddiga qoondeynta dakhliga ee CRA ayaa la doonaya in 47-da dowlad deegaan ee uu wadanku ka kooban yahay ay ku qaybsadaan 316.5 bilyan oo shilin.
Mr Kivutha Kibwana ayaa bartiisa twiiter-ka ku sheegay in saameyn xooggan ay soo gaari karto dowladaha ismaamulada haddi muranka ka dhax tagan aqalka senate-ka aan la xallin.
Waxaa uu ugu dambeyntii uu kenyaanka ugu baaqay in ay garab istaagaan aqalka sare.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here