Barasaabka Mandera oo ka hadlay natiijadii KCPE

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in lagu soo wareejiyay qiimeyn lagu sameeyay natiijadii ka soo baxday imtixaankii fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee sannadkan ee KCPE-da.
Cali Roba ayaa xusay in iyadoo caqabado badan ay wajahayaan ardayda dowlad deegaankaasi haddan wax lagu farxo inay tahay natiijada ay soo hooyeen.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayaa muujinaya magacyada ardaydii kaalimaha hore ka galay KCPE-da, buundooyinkii ay heleen iyo dugsiyadii ay waxbarashadooda ka dhameyeen.
1. Asiya Ali Adan 409 (Buraq academy, galbeedka Mandera)
2. Khalid kheir Yussuf 407 (Lafey primary),
3. Abdirizack Siyad Adan 404 (Lafey primary)
4. Shukri Abdi Nurow 402 (Gither primary)
5. Burhan Maalim Khalif 400 (Lafey primary)
6. Muad Adan Abdulla 400 (Wargadud primary)
7. Mohamed Abdullahi Abdi 398 Banisa primary
8. Abdiwahab Koriyow Derow 393 (Lafey primary)
9. Salma Sabdhow Osman 392 Al-Huda primary, bariga Mandera
10. Muhidhin Abdirahman Ahmed 390 (Lafey primary)
11. Deni Kashif Mohamed 390 (Lafey primary)
Waxaa uu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu deeq waxbarasho siinayo 10-ka arday ee ugu horreyay ismaamulkaasi isagoo u hambalyeeyay dhammaan ardaydii imtixaanaadka u fariistay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here