Barasaabka Mandera oo laga dalbaday inuu wariyaasha fursad u siiyo gudashada waajibaadkooda

Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa warqad u qoray barasaabka Ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba maalmo un kaddib markii qaar ka mid ah wariyaasha maxalliga ee dowlad deegaankaas loo diiday inay ka qeyb galaan kulan ku saabsanaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
MCK ayaa sheegtay inay heshay cabasho uga timid ururka wariyaasha Mandera taasoo lagu xusay in 18-kii bishan, xafiiska barasaabka Mandera uu suxufiyiin ka hor istaagay inay soo tabiyaan munaasabad halkaas ka dhacaysay.
Golaha ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaano dheeraad ah oo uu sameeyay lagu ogaaday in wariyaasha ka howlgalo Mandera ay caqabado kala kulmaan xafiiska guddoomiyaha iyo waaxyaha kale marka ay raadinayaan xog ku saabsan wararka ay diyaariyaan.
MCK ayaa hoggaamiyaha Mandera ku wargelisay in wariyaasha oo helo macluumaadka ay u baahan yihiin ay tahay xaq dastuuri ah sida ay qeexayaan farqooyinka 34-aad iyo 35-aad ee sharciga dalka oo ka hadlaya xuriyadda saxaafadda.
Golaha warbaahinta dalka ee MCK ayaa sido kale xusay inuu aad uga soo horjeedo tallaabadii wariyaasha loogu diiday inay kulanka madaxda goobjoog u ahadaan si ay bulshada ula wadagaan qodobbada ka soo baxay.
MCK ayaa warqadda ay Roba u qortay waxay sido kale kaga digtay tallaabo kasta oo wax u dhimi karto xuquuqda wariyaasha ay arrintan saameysay.
Roba ayaa loo soo jeediyay inuu adeegsado qaab lagu xallin karo Isfahan waaga si ay suxufiyiinta u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
Warqaddan oo uu saxiixay madaxa fulinta ee MCK , David Omwoyo ayaa nuqullo ka mid ah la gaarsiiyay dowladda ismaamulka Mandera iyo guddoomiyaha qaabilsan helidda macluumaadka ee guddiga dabagalka ku sameeya cadaaladda dhanka maamulka ee CAJ.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here