Barasaabka Mandera oo maxkamadda geeyay dacwad ka dhan ah natiijadii tirakoobka

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu kaga soo horjeedo natiijadii ka soo baxday tirakoobkii la sameeyay sannadkii hore.
Mr. Roba oo uu matalaya qareen lagu magacaabo Mansur Muathe Ciise ayaa ku doodaya in waaxda qaran ee keydisa tirooyinka ee KNBS aynan ka run sheegin tirada shacabka ku nool deegaannada ismaamulkaas.
Barasaabka ayaa maxkamadda u sheegay inuu farqi weyn u dhaxeeya tirada ay shaacisay waaxda KNBS iyo midda saxda ah.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda aynan soo bandhigin xaqiiqada ku aaddan tirada dadweynaha ee ku nool deegaannada bariga , galbeedka, waqooyiga, Koonfurta Mandera iyo sido kale Lafey.
Dokumeentiyada uu Cali Ibraahim Roba maxkamadda geeyay ayaa muujinaya sida uu isaga aaminsan yahay tirada saxda ah ee shacabka deegaanada ismaamulkaas, macluumaadka waaxda KNBS ay shaacisay iyo farqiga u dhaxeeya.
Barasaabka ayaa ku doodaya in galbeedka Mandera ay ku noolyihiin (318,146 qof ), KNBS waxay leedahay tiradaas waa (98,300) halka farqiga u dheexya labada dhinac uu yahay (219,846)
Deegaanka Banisa , Cali Roba waxaa uu tirada saxda ah ee shacabka ku sheegaya (315,144), KNBS (152,598) halka farqiga uu yahay (162,546)
Koonfurta Wajeer barasaabka waxaa uu leeyahay waxaa ku nool (416,384), KNBS waxay ku sheegtay (229,614), kala duwanaanshaha waa (186,770)
Deegaanka Lafey sida uu guddoomiyaha Mandera qabo waxaa ku sugan (205,434), waaxda KNBS waxaa u diiwaan gashan (83,457) farqigana waa (121,977)
Bariga Mandera, Cali Roba waxaa uu ku doodaya inay ku noolyihiin (279,599 oo qof ), KNBS (159,638) farqiga (119,961)
Waqooyiga Mandera , barasaabka waxaa uu rumeysan yahay inay ku sugan yihiin tiro shacab oo ah (238,041), KNBS 143,850) farqiga (94,191)
Guddoomiyaha Mandera ayaa dokumeentiyada uu soo bandhigay ku sheegay in tirada guud ee dadweynaha deegaannada Mandera inay tahay (1,772,708), KNBS waxay sheegtay inay soo xisaabisay (867,457) halka farqiga u dhexeya labada dhinac uu yahay (905,291)
Barasabaka ayaa maxkamadda ka dalbaday inaynan waaxda qaran ee KNBS u ogolaan inay macluumaadkan adeegsato ilaa iyo inta kiiska uu gudbiyay go’aab kama dambeys ah laga soo saaraya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here