Barasaabka Mandera oo qoraal ka soo saaray weeraro dhacay

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera , Cali Ibraahim Roba ayaa qoraallo uu soo dhigay baraha rasmiga ee uu ku leeyahay Facebook-ga iyo twitarka waxaa uu kaga hadlay weeraro galinkii dambe ee shalay ka dhacay dowlad deegaankaas.
Mr. Roba ayaa hoosta ka xarriiqay in weeraro dhowr ah ay ka dhaceen aagga Jabibar ee u dhaxeeysa Bambo iyo magaalada Rhamu.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in baabuur ah nooca loo yaqaano Land cruiser oo ay leeyihiin ciidamada booliska ee ka howlgalo saldhigga Takaba lala eegtay miinada dhulka lagu aaso xilli uu ku wajahnaa Mandera.
Cali Roba ayaa xusay in aynan jirin cid weerarkaasi waxyeello ka soo gaartay balse gaariga uu burbur soo gaaray dadkii saarnaana ay naftooda la baxsadeen.
Dhacdadaas kaddib sida laga soo xigtay barasaabka Mandera waxaa weerar kale lala eegtay baska shirkadda Makkah ee ka safray Nairobi kuna socday Mandera.
Weeraro gaadmo ah ayaa isla goobta loogu gaystay iyadoo rakaabka lagu amray inay baska ka soo degaan.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in dadkii baska saarnaa jirdil loo gaystay halka la afduubtay makaaniggii gaariga ama farsama yaqaanka.
Dhacdada saddexaad ayaa ahayd in laba baabuur oo ku wajahnaa Mandera la weeraray balse aynan cidna waxyeelo ka soo gaarin.
Qoraalka Cali Ibraahim Roba ayaa tilmaamaya in baabuurtan ay leeyihiin wasiirka maareynta adeegga dadweynaha ee ismaamulkaas iyo mid ka mid ah kuwa qaadka .
Mr. Roba ayaa sido kale sheegay in baabuur la rumeysanyahay inuu siday daawooyinka maamulka KEMSA la joojiyay halkaas oo laga kaxeystay taanbooyga iyo darawalkii waday.
Barasaabka Mandera ayaa xusay in markii dambe ay soo baxeen warar sheegaya in gaariga la gubay.
Cali Ibraahim Roba ayaa xusay in kastoo dowladda ay sameysay wax kasta oo dhanka ammaanka ah oo la weydiistay haddana ay u muuqato inuunan isbeddel weyn jirin.
Barasaabka ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhacdooyinka amni darro ee gobolka oo kuwii ugu dambeeyay ee shalay ilaa iyo hadda saraakiisha ammaanka aynan war ka soo saarin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here