Barasaabka Mandera oo shacabka uga digay inay u gudbaan Soomaaliya

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibrahim Roba ayaa dadweynaha uga digay inay u safraan dhanka dalka soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twittarka ayuu Roba ku sheegay in khatarta ugu badan ee la xiriira cudurka COVID-19 ee Mandera soo foodsaari karto ay tahay in caabuqa coronavirus uu uga soo gudbo Soomaaliya.
Mr. Roba ayaa dhanka kale hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha horumarka ka codsaday inay caawiyaan shacabka ku nool magaalooyinka Mandera dariska la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here