Barasaabka Mandera oo sheegay in dadka ay taxaddar sameynayaan

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera, Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hadda uu isbeddel jiro oo ay u muuqato in dadweynaha ay muujinayaan taxaddar ka dhanka ah cudurka Covid-19.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in si loogu guulaysto la tacaalidda cudurkan dalka iyo dunidaba saameeyay la doonayo in la kordhiyo tayada dhanka baaritaannada.
Waxaa uu xusay in tani ay dardargelin doonto howlaha karantiilka iyo dabagalka lagu sameeyo shakhsiyaadka la macaamilo bukaannada.
Barasaabka Mandera ayaa sido kale sheegay inay sare u kacday wacyigelinta dadweynaha ooh adda xaaladda sidii hore ay ka duwan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here