Barasaabka Mandera oo soo dhaweeyay go’aan ka soo baxay dowladda

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay inuu soo dhaweynayo go’aanka ka soo baxay Dowladda dhexe ee muddo 21 cisho ah lagu mamnuucay in loo safro ama laga soo baxo Mandera.
Cali Roba ayaa sheegay inay laba toddobaad ka hor Dowladda dhexe u soo jeediyeen in Mandera xayiraad la saaro.
Waxaa uu Dowladda dhexe uga mahadceliyay inay codsigaas tixgeliyeen.
Dhanka kale saraakiisha ammaanka ayuu ka codsaday inay si buuxda u dhaqan geliyana amarka lagu dhawaaqay.
Sido kale guddoomiyaha ayaa wasaaraddqa caafimadka ka codsaday inaynan joojin diyaaradaha daawooyinka iyo qalabka caafimaadka u kala gudbinaya Nairobi iyo Mandera
Go’aankan ayaa waxaa galinkii dambe ee shalay ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe.
Sida ku xusan bayaan uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi amarka lagu soo rogay ismaamulka Mandera ayaa xalay 7-dii fiidnimo dhaqan galay.
Mandera ayaa lagu daray liiska dowlad deegaannada Nairobi, Mombasa, Kwale iyo Kilifi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here