Barasaabka Mandera oo soo jeediyay in gebi ahaanba la joojiyo isku socodka

Guddoomiyaha ismaamulka Mandera ee gobolka waqooyi Bari , Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu dhawaan soo saaray waxaa uu ku sheegay inay Khasab tahay in waddanka lagu soo rogo xayiraad dhanka isku socodka ah.
Barasaabka ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan oo la qaado ay tahay sida keliya ee lagu xakameyn karo faafidda cudurka Covid-19.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayuu ka codsaday inuu tallaabo degdeg ah qaado si loo xakameeyo tirada kiisaska COVID 19 ee sii kordhaysa.
Mr. Roba ayaa bartiisa rasmiga ee Twitarka ku sheegay inaan loo baahneyn in la sugo sare u kac dheeraad oo dhanka kiisaska Coronavirus ah si aynan u gaarin heer khatar keeni karto.
Waxaa dhawaan baaq kani la mid ah diray barasaabka ismaamulka Mombasa , Cali Xassan Joho oo tusaale u soo qaatay magaalada Wuhan ee Shiinaha halkaas oo xayiraad laga dhaqangeliyay ay horseedday inaan laga diiwaangelin kiisas cusub oo ku aaddan Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here